Muqdisho-Ayaamaha-Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya aya lagu cadeeyay in dalagyada dalkeena ay yihiin kuwa dabiici ah (organic) isla markaana warbixinta la soo saaray ay tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid  ayaa been abuur ku tilmaamay daraasaddda sheegeysa in Galleyda iyo Masagada dalkeena laga helay cuduro.

Daraasad an ay sameysay Jaamacad ku taala Waqooyiga Ireland ayaa waxaa ay ku sheegtay in cuduro laga helay Galeyda iyo Masagada Dalkeena.

Daraasadan been abuur ka ah ee ay sameysay Jaamacada Waqooyiga Ireland ayaa Waxaa si Wadajir ah ugu soo horjaystay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya iyo Iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed.

Hoos a khriso war saxaafadeedka Wasaarada.