HARGEYSA-AYAAMAHA-Warar la helayo ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Hawada ka celisay Diyaarad siday qaad badan oo Maanta doonaysay in ay ka degto Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa.

Diiyaaradaan oo kamid timid dalka Kenya ayaa qorshaheedu ahaa inay ka degtay Garoonka Cigaal, balse Dowladda Federaalka oo War heshay inay sido qaad ayaa Hawada dib uga celisay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in diyaaradaan ay u rarneynd Ganacsato reer Somaliland ah, waxaana ay dib ugu laabatay gudaha Kenya, iyadoona ka degtay diyaaradaha Garoonka Wajeer.

Qaadka Kenya ee Maanta laga celiyay Hargeysa ayaa ku soo beegmaya xilli uu yaraaday Qaadkii ka iman jiray dhinaca dlka Itoobiya, sababo la xiriira Qalalaasaha ka socda gudaha Ethiopia, kuwaasi oo ka dhashay fanaan la dilay.