Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ka tacsiyadeeysay 13 Askari oo dowladda Faransiiska ugu geeriyooday shil Diyaaradeed oo ka dhacay waqooyiga Dalka Maali.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku qornaa luuqada English-ka  ayaa waxaa tacsi loogu diray qoysaskii ay ka dhinteen Askartii Faransiiska, kuwaasi oo u geeriyooday shilkii habeenkii Isniinta aheyd ka dhacay dalka Maali.

“Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay xaqiijineysaa midnimada buuxda ee ay la leedahay Dowladda iyo dadka Faransiiska, waxayna tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, Soomaaliya waxay si adag u garab taagan tahay Faransiiska dagaalka ay kula jirto argagixisada” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Dowladda Federaalka.

Shilkan ayaa 38 ka dhigaya tirada askarta Faransiiska uga dhimatay dalka Mali, tan iyo markii ay faro-gelinta ku sameeyeen sanaddii 2013.

Si kastaba Xafiiska Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in shilkan uu dhacay habeenkii Isniinta, xilli ay ciidamada dagaal kula jireen dagaal-yahanada Islaamiga ah, oo waqooyiga Mali ka fuliyey weeraro badan oo dhimasho leh.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somalia.