BAYDHABO-AYAAMAHA-Maalin ka hor ayaa Ciidamada kummaandooska Soomaaliya ee Danab iyo Gor-gor ayaa Al-Shabaab waxaa ay ka saareen degaannada Jilib Marko iyo Gendershe ee  Gobolka Shabeellaha hoose.

Ciiidanka dowladda ayaa durba billaabay howlgallo baaritaanno ah oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka degaaannada ay gacanta ku dhigeen.

Saraakiisha Ciidanka ayaa waxay sheegeen inay howlgalka kusoo qabteen rag lala xiriirinayo inay ka tirsanyihiin Al-shabaab kuwaasi oo haatan ay ku socdaan baaritaanno lagu kala saarayo.

Deegaannada Jilib Marko iyo Gendershe ee  Gobolka Shabeellaha hoose ayaa dhowr jeer waxaa la wareegay Ciidamada Dowladda Soomaaliya,hayeeshee ay dib ula wareegeen Al-Shabaab.