Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga soo horjeesatay dalabka Kenya u gudbisay Maxkamada caalamiga ah ee ICJ kaasoo ay ku codsatay in dib loo dhigo dhegeysiga dacwada badda oo lagu wado in 9-ka bishan ay ka bilaabato xarunta Maxkamada.

Kenya ayaa shalay maxkamadda ICJ ka codsatay in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo dhagaysiga si ay u qabsato qareenno cusub oo difaaca.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Dr. Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xuntay talaabada ay qaaday Kenya, isagoo xusay inaan wax cudur-daar ah aan loo heli karin codsiga ka yimid Kenya.

Safiirka waxaa uu sheegay in hadii Kenya ay xilliga balanta ee Dhageysiga Kiiska ay ka maqnaato ay Soomaaliya kaliya sugeyso Go’aanka Maxkamada,isla markaana dadka Soomaaliyeed ay qabaan  rajo badan oo ah in Kenya aan ka guuleysao.