Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay cunaqaateentii ay Golaha Amaanka ee Qaaramada Midoobe ku kordhiyeen Soomaaliya.

War saxaafadeed uu soo saaray Lataliyaha dhanka Amniga Qaranka ee madaxwaynaha Abdisaid Mohamed Ali ayaa ku sheegay in cunaqabateentani ay Soomaaliya ka hor istaagayso sidii ay u heli lahayd hub ay kula dirirto argagaxida.

Ali ayaa sheegay in Soomaaliya ay qorsheenayso sidii ay kaga adkaan lahayd dagaalamyaasha al-Shabaab ee ku xiran urur waynaha al-Qaacida, balse xayiraadan lagu kordhaiyay ayuu ku tilmaamay in ay tahay caqabad hor leh.

Qaramada Midoobe ayaa jimcihii sara u qaaday cunaqabateenta hubka ee saran Soomaaliya taasi oo lagu kordhiyay hal sano oo dheeraad ah.