Muqdisho-(Ayaamaha)-Wasaaradda Awqaafta & Arimaha Diinta Xukumada federaalka Soomaliya ayaa kahadashay arimaha Acmaasha Xajka ee Sanadkaan.

Cismaan Aadan Dhuubow oo ah wasiir kuxigeenka Wasiirka Awqaafta & Arimaha Diinta Xukumada federaalka Soomaaliya oo Aqrinayey War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa sheegay iney dadaal ugu jiraan sidii Xujeyda Soomaaliyeed ee Sanad kaan loogu fududeyn lahaa Acmaasha Xajka.

Wasiirka Cismaan Aadan ayaa Sidoo kale waxa uu sheegay in Shirkadaha Duulimaadka ay tartan furan ugalayaan Duulimaad yada Xujeyda islamar kaana tar tankaasi uu Socon doono 3-13, Bishaan Abriil.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2018 ayaa lagu xasuustaa in Xujeyda Soomaaliyeed ee doonayey iney soo Gutaan Acmaasha Xajka ay la kulmeen dib udhac kasoo wajahay dhanka Duulimaadyada.