Muqdisho-(Ayaamaha)-Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa loogu deeqay lacag Malaayin Dollar waxaana deeqdaas bixisay Dowladda Denmark waxaana wax looga qaban doono Abaaraha ,Kaabayeyaasha dhaqaallaha iyo Ammaanka Soomaaliya.

Mette Knudsen oo ah Safiirka dowladda Denmark ee Soomaaliya ayaa magaalada Washigton uga dhawaaqday in Soomaaliya ugu deeqeen 21 Milyan oo Dollar oo wax looga qaban doono xaalado kala duwan.

Mette Knudsen ayaa waxaa ay sheegtay in Soomaaliya ay horumo wanaagsan ka sameysay dhanka dhaqaallaha,islamarkaana loo baahan yahay in dalalka Caalamka ay ka cafiyaan deymaha ay ku leeyihiin.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya sidoo kale dowlada u heli laheyd kaalmo dheeraad ah ay siiyaan qaar kamid ah Wadamada Caalamka.