Muqdisho-(Ayaamaha)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la joojiyay isticmaalka Diyaaradaha Duugga ah ee lagu farsameeyay Waddankii la oran jiray Midowga Soofiyeeti ama Ruushka.

Diyaaradaha Antanov 24, Antanov 26, Antanov 32 iyo Antanov 12, ayaa laga mabnuucay in ay adeegsadaan Shirkadaha duullimaadyada Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay Khatartoodu aad u badan tahay.

Go’aanka ay hay’adda duulista ee Dowladda Soomaaliya ku mamnuucday Diyaaradaha noocan ah ayaa soo baxay
7-dii Febraayo ee Sanadkan, waxayna shaqadooda ku ekeyd 28-kii Febraayo 2019, balse waxaa loogu daray muddo kooban oo u eg illaa 15-ka Maarso, si u diyaargaroobay maamullada Shirkadaha.

Diyaaradahan oo ah kuwo qaadi jiray xamuulka iyo rakaabka isaga kala goosha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Waddamada Caalamka ayaa muddo ku dhow 30 Sano kasoo shaqeynayay Dalka.