Nairobi-Ayaamaha-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa degdeg ugu yeertay inuu dalka ku soo galo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Danjire Maxamuud Axmednuur Tarsan, xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa labada dal.

Go’aanka loogu yeeray Tarsan ayaa daba socdaa cabasho Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Somalia u dirtay dhiggeeda Kenya, kaddib markii qoraal la soo dhigay Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya uu Somaliland ugu yeeray “DAL.”

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamig ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Axaddii shalay ay Wasaaraddu u yeertay danjiraha Kenya ee fadhigiisu yahay Somalia, Lt General Lucas Tumbo.

Wasaaradda ayaa war-xasaafadeedkeeda ku sheegtay in danjiraha gacanta loo galiyey warqad cabasho ah oo ku aaddan farriin dhinaca twitter-ka ah, oo sida ay wasaaraddu sheegtay, uu “xad-gudub” ku jiray, kaas oo 27-kii bishii June uu qoray Mr. Machaira Kamau, wasiirka koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya.

War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in farriintaas twitter-ka ahi ay xad-gudub ku tahay madaxbanaanida, midnimada, sharafta xadeed, isla markaana ay dhaawacayso xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay u taagan tahay daris wanaag, is qadarin iyo iskhaasi soke oo ay yeelato dariskeeda, arrin taas la mid ahna ay Kenya ka filayso.”