Muqdisho-(Ayaamaha)-Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre, ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay aad ugu walaacsan yihiin mucaaradka shirarka ku qabsanaya Magaalada Nairobi.

Goodax Barre oo ka hadlayay xiriirka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo hadal qaaday madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa mucaaradka ee tagaya Magaalada Nairobi, shirarna ku yeelanaya,  wuxuu sheegay in ka Dowlad ahaan ay arrimahaasi dhibayaan.

“Markaan aragno maamul Goboleedyadii oo Ninkii burka noo haystay Gurigiisa ku shiraya, meel ay ku kulmaanna aanan waayin, wey na dhibeysaa”, ayuu yiri Wasiirka Goodax.

Wuxuu intaa raaciyay, C/llaahi Goodax Barre, in ay Dowladda Kenya u garba duubayaan kuwa shirarka ku qabsanaya Nairobi, wuxuuna sheegay in ay sugayaan marka ay ka caqliyeystaan in ay Guri cadow kulmaan oo ay halkan howlahooda ku qabsan doonaan,

Hadalka Goodax ayaa imanaya xilli uu sii xumaanayo xiriirka ma’uuliyiinta maamul Goboleedyada iyo kan Dowladda dhexe , iyagoo tabanaya in ay kala kulmaan tacaddiyo fara badan iyo cadaadis dhan walba ah.