Adis Ababa-Ayaamaha-Madaxweyne Kuxigeenkii Horee Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdullahi Camey Ayaa Dowladda Soomaaliya u magacaawday Safiirka Cusub ee Itoobiya ayaa gaaray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha, waxaana lagu waddaa in maalmaha soo socda uu warqaddiisa aqoonsiga u gudbiyo Madaxweynaha Itoobiya.

Camey ayaa aad u taageersanaa dowladda dhexe ee Soomaaliya taasoo keentay in uu si weyn uga soo horjeesto tilaabooyin ka dhan ahaa dowladda dhexe oo uu qaaday Madaxweyne Gaas.

C/xakiin Camey oo ahaa Madaxweyne kuxigeenki hore ee Puntland ayaa bishii March ee sanadkan loo magacaabay inuu noqdo Safiir.