Ankara-(Ayaamaha)-Turkiga ayaa maanta diiday cadaadiska kaga yimid dhanka Mareykanka ee ku wajahan heshiiska ay ku iibsaneyso habka difaaca gantaalaha Ruushka, waxayna Ankara sheegtay in ay ku guda jirto wada-hadla lagu soo gaarsiinayo habkan gantaalaha difaaca ee lagu yaqaano S-400.

Madaxweynaha Dowladda Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka careysiiiyey xulufada Turkiga ee NATO, gaar ahaan Mareykanka, kadib markii uu go’aansaday inuu iibsado habka difaaca gantaalaha Ruushka, islamarkaana uu xiriir dhow la yeeshay Vladimir Putin.

Dowladda Mareykanka ayaa Turkiga uga digtay inuu wajihi karo cunaqabateyn islamarkaana loo diidi doono ka qeyb-galka diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka uu sameeyo.

“Waxaan heshiis la saxiixanay Ruushka. Heshiiskana waa mid sharci ah. Waxaan hadda ka hadleynaa sidii habkan na lagu soo gaarsiin lahaa” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu oo shir jaraa’id magaalada Antalya kula qabtay dhiggiisa Ruushka.

“Ruushka waxaan la galnay heshiis, waana u hogaansamaynaa” ayuu yiri Cavusoglu oo intaas ku daray in cadaadiska dalalka kale uu kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah.

Turkiga ayaa bisha July waxaa lagayn doonaa habka difaaca gantaalada ee S-400.