Dowladda Turkiga Oo Ku Guuleysatay Tijaabinta Gantaal Cusub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa shaciyey inay Milliteriga Turkiga ku guuleysteen  Tijaabadii u dambaysay ee Gantaalka ATMACA ee Lidka Maraakiibta.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu Mdaxweyne Erdogan ku sheegy in Gantalkaasi oo lagu farsameeyey gudaha Turkiga uu duqeeyey Markab bar-tilmaameed ahaa, ka hor inta uusan hawlgelin Gantalkaasi.

Mashruuca Gantaalka ATMACO waxa la doonayaa in lagu bedelo Gantaalka lagu farsmeeyey Maraykanka ee HARPOON.

Turkiga ayaa sanadihii lasoo dhaafay hormariyey farsamadiisa ku aadan dhanka ciidamada iyo qalabka loo adeegsado dagaalka casriga ah oo lagu kala adkaado, iyadoo dagaal ka fool ka fool ah layskaga hor imaanin.

Diyaarada uu soo saaray Turkiga loo yaqaano TB2 ayaa ka yaabisay caalamka oo dhan kadib markii iyadoo garab siineysa dowladda Azerbaijan ay dagaal la gashay Armenia, waxaana dagaalkaas lagu jibiyey Armenia.