Dukumentiyo kale oo sir ah oo laga helay guriga madaxweynaha Mareykanka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Baarayaasha Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka (DoJ) ayaa lix dukumeenti oo kale oo sir ah ka helay guriga madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden kadib baaritaan 13 saacadood qaatay oo lagu sameeyay guriga madaxweynaha ee ku yaalla Delaware, sida uu sheegay qareenka Mr Biden.

Qaar ka mid ah dukumeentiyada laga helay guriga Wilmington Jimcihii waxay ahaayeen kuwa ku xusan xog laga soo bilaabo xilliggii uu ​​​​Senater-ka iyo qaar kale oo muujinayay waqtigii uu madaxweyne ku xigeenka u aha ahaa Barack Obama.

Qareenka oo lagu magacaabo Bob Bauer ayaa sheegay in dukumentiyada qaar ee la helay ay yihiin ‘qoraal shakhsi ahaan gacanta lagu qoray” iyo agab kale. Xilliggii ay saraakiisha waaxda caddaalladda sameynayaan baaritaanka, guriga ma aysan joogin Mr Biden iyo xaaskiisa.

Madaxweynaha ayaa u ogolaaday saraakiisha inay galaan gurigiisa si ay baaritaan ugu sameeyaan dhammaan dhismaha oo dhan si loo helo diiwaannada suurtagalka ah xilliggii uu madaxweyne ku xigeenka ahaa iyo agabka sirta ah,” ayuu yiri qareenka madaxweynaha oo soo saaray bayaan ku saabsan baaritaanka.

Guriga Biden

Horaantii bishan qareenada Mr Biden ayaa sheegay in dukumentiyadii ugu horeeyay ee sir ah laga helay 2-dii Noofambar Xarunta Penn ee Biden, oo ah xarun qaabilsan cilmi baarista oo uu madaxwaynuhu ka aasaasay Washington DC.

Qeybtii labaad ee diiwaanka ayaa laga helay 20-kii Diseembar garaash ku yaal gurigiisa Wilmington, halka dukumeenti kale laga helay meel bakhaar ah oo guriga ku taal 12-kii January, sida laga soo xigtay qareenadiisa.

Markii la helay dokumentiyadaas , madaxweynaha wuxuu sheegay in kooxdiisa ay markiiba ku wareejisay waaxda keydka qaranka iyo sidoo kale waaxda caddaaladda, ma kala cadda sababta uu Biden u heystay dokumentiyadaas sirta ah.

Marka loo eego Xeerka Diiwaanka Madaxtooyada, diiwaannada Aqalka Cad waa in la geeyaa Kaydka Qaranka marka uu soo afjarmo xilka uu hayo qofka, halkaas oo si ammaan ah loogu kaydin karo.

Qareenka gaarka ah ee madaxweynaha, Robert Hur, ayaa xiliggaas loo magacaabay inuu hogaamiyo baaritaanka ku saabsan sida waraaqaha xasaasiga ah loo maareeyay.

Baaritaanka dheer iyo helitaanka dukumentiyo badan ayaa madax-xanuun siyaasadeed ku ah madaxweynaha, isaga oo isu diyaarinaya inuu ku dhawaaqo inuu mar labaad isu soo sharixi doono doorashada sanadka 2024-ta.

Mr Biden iyo xaaskiisa, Jill, ayaa sabtid iyo axadda wakhtigooda ku qaadanaya magaalo xeebeedka Rehoboth Beach ee Delaware, halkaas oo ay ku leeyihiin guri kale. Waxaa la baaray hhoraantii bishan, lamana helin wax dukumeenti ah, sida ay sheegeen qareenadiisa, sida uu sheegay New York Times.

Horraantii bishan ayay aheyd markii ay dib u eegis ku sameyneysay dukumiintiyo ay suurta gal tahay inay sir yihiin oo laga helay xafiiskii hore ee madaxweyne Joe Biden ee xarunta baarista, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Bishii November ilaa 10 ka mid ah faylasha ayaa laga helay armaajo qufulan oo ku taal Xarunta cilmi baarisyada diblumaasiyadda ee Penn Biden oo ku taal caasimadda Washington sida uu xaqiijiyay qareenada ee Mr Biden.

Madaxweynihii ka horreeyay Mr Biden, Donald Trump ayaa wajahaya baaritaan ku saabsan in faylal sir ah loo qaaday Florida ka dib markii uu madaxweynaha noqday.

Sida laga soo xigtay warbaahinta CBS News qaybteeda Maraykanka oo wada shaqayn ay kala dhaxayso BBC, FBI ayaa hadda ku howlan baaritaanka dukumentiyada sirta ah ee laga helay xarunta Penn Biden. Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Merrick Garland ayaa laga codsaday inuu dib u eego waraaqaha.

Ilo xog ogaal ah ayaa xilliggaas u sheegay CBS News in xidhmadan waraaqaha ah aysan ku jirin siraha nukliyeerka, waxayna waraaqahani ku xirnaayeen sanduuq ay ku jiraan waraaqo kale oo aan xasaasi ahayn.

Source: BBC