MUQDISHO-AYAAMAHA-Cudurka Covid-19 ayaa saameyn xooggan ku yeeshay shaqooyinka Bulshada ay u hayeen isbitaalada qaar ee Magaalada Muqdisho.

Dhaqaatiirta waa weyneed ee ka tirsan Isbitaalka Digfeer oo u dhashay dalka Turkiga ayaa isaga baxay soomaaliya cudurka Corona awgiis, waxaana hakad galay shaqada Isbitaalka taasoo aad looga dareemay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Isbitaalka digfeer ayaa joojiyay qabashada bukaano cusub, waxayna arrintaan soo jirtay muddo bil ka badan.

Haween badan oo ku nool Muqdisho ayaa u xanuunsanaya Kansarka naasaha waxaana la sheegay in Scan-ka lagu ogaado dumarka qabo Kansarka naasaha laga helo oo kaliya Digfeer guud ahaan dalka Soomaaliya waxaana u dhiban dumar badan.

Dhaqaatiir badan oo Soomaali ah iyo ehallada dumar badan oo xanuunsan ayaa dalbaday in si deg deg ah loo keeno dhaqaatiirtii howshaan qaban laheyd maadaama ay xanuunsanayaan dumar badan.

Digfeer waa Isbitaalka kaliya oo qalab dhameestiran heesta dalka Soomaaliya waxaana uu kamid noqday goobaha uu saameenta weyn ku yeeshay Cudurka Covid-19.