BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Wareegto ka soo baxaday xafiiska wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa Nadar tabaax Maalin loogu magacaabay Duqa Magaalada Beledweyne.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Caadle ayaa waxaa xilka Duqa Cusub ee Baladweyne loogu Magacaabay Nadar Tabaax Maalin, waxaana xilkaas horey u haayay oo  laga qaaday Safiya Xasan Jimcaale.

Safiyo ayaa aheyd Haweeneyd ugu horreysay noqotay duqa degmada Beledweyne.

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa si deg deg ah ku amray in ay xilka kula wareegto duqa Cusub ee Magaalada Beledweyne.

Dhamaan Hay’addaha amniga Baladweyne, kuwa Gobolka iyo shacabka ayaa waxaa la faray inay la shqeeyaan Mas’uulka Cusub ee loo Magacaabay Duqa Baladweyne, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.