Muqdisho-Ayaamaha-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta degmada Deyniile kulan gaar ah kula qaatay saraakiisha ciidamada CXDS isagoo kala hadlay xoojinta la dagaalanka Al-Shabaab.

Cumar Filish ayaa ku amaanay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiishooda sida ay naftooda iyo dhiigooda ugu horeyn xureynta dalka iyo badbaadinta shacabka.

Waxaa uu Gudoomiyeyaasha degmooyinka faray in ay la shaqeeyaan Saraakiisha Ciidanka xoogga iyo Booliska.

Sidoo kale kulankan amniga Muqdisho quseeya ayaa waxaa goob joog ka ahaa xildhibaan Cabdullaahi Gaafow oo horey usoo noqday Taliyaha ciidanka NISA.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in guddoomiyihii degmadiisa qof lagu dilo ee soo qaban waaya qofkii dilka geystay uu xilka ka qaadi doono.

Cumar Filish waxaa Sidoo kale sheegay in xilkaas u magacaabi doono sarkaal ka tirsan ciidamada Milatariga oo heysta gaadidka dagaalka kaasi oo awooda inuu soo qabto qofkii dil geysta.