Muqdisho-(Ayaamaha)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa war kasoo saaray dilkii maanta wadaha Mooto Bajaajlaha loogu geystay magaalada Muqdisho.

Yariisow ayaa qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook, waxaana uu sheegay in uu cambaareynayo dilka Bajaajlaha loo geystay iyo banaanbaxyadii ka dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Waxaan cambaareyneynaa dilka loogeystay darawalkii Bajaajka iyo shaqsigii la saarnaa. Booliiska baa ku raadjooga askarigii dilka geystay. Fadlan dhalinyarada Bajaajleyda ha illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhexdhuumanaya ee rabshadaha wada ha iska fogeeyaan. Si nabad ah aan shucuurteena u muujino. Waxaan u tacsiyadeynayaa qoyskii ay ka geeriyoodeen labada marxuum”ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan Xiisad adag waxaana wali socda banaanbaxyada ay dhigayaan dadka ka carooday dilka ka dhacay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Waxaa wali xiran goobo ganacsi oo badan oo ku yaala isgoyska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Eng Yariisow ayaa ugu dambeyn Waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska ay go’an tahay in ay soo qabtaan ninkii falkaasi ka dambeeyay, islamarkaana inta ka horreysa loo baahan yahay in Xaaladda la dejiyo.