Muqdisho-(Ayaamaha)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa weerar afka ah ku qaaday xildhibaanada baarlamaanka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in haddii maalintii jimcaha orodkii Gaabnaa ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ay ka qeyb gali lahaayeen xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, inaysan dhici laheyn waxii ka dhacay Sabtidii xarunta baarlamaanka.

Sidooklae waxaa uu sheegay in BUUQA ama Stress-ka uu ka dagi lahaa xildhibaanada baarlamaanka haddi ay ka qeyb gali lahaayeen orodka Jimcihii lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo wasiiro iyo xubno kale ay goob joog ka ahaayeen.

Eng Yariisow ayaa wuxuu sheegay in dalkaan looga baahan yahay xasilooni siyaasadeed, islamarkaana siyaasiyinta laga doonayo inay ogaadaan in Amniga dalka uu yahay kaalinta koobaad.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa Sabtidii buuq badan ka dhaliyay kulankii golaha shacabka, kadib markii warbaahinta cod loo qaaday ay qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ku qanci waayeen Natiijada uu shaaciyay guddoomiye Mursal.