MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin dowladda Soomaaliya, islamarkaana ilaalo u ahaa Mid ka mid ah Golaha Wasiiradda ayaa maanta Muqdisho ku dilay qof Shacab ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ninka la dilay uu ka tirsanaa shaqaalaha Maqaayadda Caan ah ee Zaytuuni Restaurant oo Xarumo kala duwan ku leh gudaha Muqdisho.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabduqaadir waxaana uu ka tirsanaa shaqaalaha Maqaayadda Zaytuuni qaybta Tre-piano ee Waddada Maka Almukarrama.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Askarigii ka tirsanaa Ciidanka dowladda ee dilka geystay uu goobta ka baxsaday, waxaana daqiiqado kadib halkaas laga qaaday Meydka ruux la dilay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ay dilal bareer ugu geysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, ayna ku jireen Darawalo.