Home Faah faahin: Ciidamada AMISOM Oo Gaari Ku jiiray Isgoyska Taleex.

Faah faahin: Ciidamada AMISOM Oo Gaari Ku jiiray Isgoyska Taleex.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada midowga Africa ee AMISOM ayaa gaari ku jiiray isgoyska teleex ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ayaa marayay isgoyska Taleex waxaana ay ku dhaceen gaari nuuciisu yahay Premio.

Majiro wax khasaaro nafeed ah balse waxay garaafo gaartay gaarigii ay ku dhaceen gawaarida AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa diidan inay dayactiraan gaariga ay gaarsiyeen garaafada waxaana yara xiran wadada isgoyska Taleex agagaar Premier Bank.

Ciidamada Booliska  soomaaliya ayaa goobta soo gaaray waxaana ay isku dayayaan inay kala dhexgalan Wadaha gaariga iyo ciidamada AMISOM.