MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararaka horudhac ah ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteen laba askaro saddex kale oo dad Shacab ah kamid yihiin ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday mid kamid ah isbitaallada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo u gurmaday Ciidamada qaraxa lala eegtay,waxaana ay joojiyeen isku socodka dadka iyo Gadiidka walow markii dambe ay fasaxeen.

Laamaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxaas,waxaana horay qaraxyo noocaan oo kale ah ayna ku waxyeeloobeen askar iyo dad Shacab ah ay ka dhaceen agagaarka Madaxtooyaddii hore ee Cabdiqaasim oo ku taalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Tarabuunka iyo km4.