Muqdisho-Ayaamaha-Faah faahin dheeraad ayaa kasoo baxaya Dil Goordhaweyd ka dhacay Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya ayaa Goordhow Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Nin la sheegay inuu saarnaa Mooto Bajaaj.

Ninka la dilay ayaa wararka waxaa ay sheegayaan inuu watay Qori AK47, hayeeshee uusan wadanin dareeska Ciidan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in dilkan uu ka dhacay agagaarka Iskuul Muqdisho ee Degmada Shibis, isla markaana Askari halkaas ku sugnaa uu toogtay Ninka saarnaa Mooto Bajaajta.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa ku sugan Askar ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda, isla markaana halkaas ku leh bar Koontarool oo gaadiidka noocyadiisa kala duwan lagu hubiyo.