Agaagaarka saybiyaano ee degmada Hodan ayaa saaka qarax kadhacay kaasoo lagu soo xiray gaari nooca kaaribta calaamada buluug ee ciidan booliska ku buufsan, qarax gaariga hoosta looga soo xiray ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro dhimasho.


Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in qaraxan loogu xiray Sargaal katirsan ciidanka booliiska oo gaarigaasi watay.


Waxaa la xaqiijiyay in qaraxan ku dhintay sargaalkan watay gaariga booliiska ee qaraxa hoosta looga xiray, lamana oga wali in qaraxa uu waxyeelo kale gaarsiiyay dad shacab ah oo ka agdhawaa nawaaxiga saybiyaano.


waxaa goobta soo gaaray ciidamo katirsan booliska oo ka ag dhowaa halka uu qarax kadhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka qaadeen meydka sargaalka oo ahaa nin si wen looga yaqaana aaga Saybiyaano ee degmada Hodan


waxaa markasta magaalada moqdisho ka dhaca qaraxyada baabuurta lagu xiro, waxayna qaraxadan gaystaan khasaaro dhimasho ama mid dhaawa uu gaarsiiyaa qofka wata gaariga lagu soo xiro iyo dadka ka agdhow.