A0CDDX 060606 Armed militia on Technical support vehicle patrol in Lower Shabelle area, Southern Somalia.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo xalay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ku dhex-maray Ciidamada Dowladda Goboleedka Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab sida la sheegay ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Jubbaland ee degmadaasi Ceelwaaq,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa goor sii horeysay waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeeg sanayeen labada dhinac,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha kala gaaray maadaama ay aheyd xilli habeen ah.

Isgaarsiinta degmada Ceelwaaq ayaa sidookale saaka hawada ka maqan tahay, iyada oo taasi aan la ogeyn,waxaana yar wararka laga heli karo dagaalkii Ciidanka Jubaland iyo Al-Shabaab ku dhex-maray degmada Ceelwaaq.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland weli dhankooda kama hadlin dagaalka ka dhacay degmada Ceelwaaq-balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay faah faahin ka bixiyaan dagaalka ka dhacay degmadaasi Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.