BAYDHABO-AYAAMAHA-Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhow lagu dilay gudaha Magaalada Baydhabo.

Dilka loo geystay Sarkaalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay Xaafad ka tirsan Baydhabo, iyadoo ay toogteen rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado, isagoon  u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirka.

Ragga hubeysan ee dilay Saraalka ayaa goobta ka baxsaday, waxaana goobta daqiiqado kadib tegay Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Maamulka, iyagoo halkaas ka qaaday Meydka Marxuumka.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada dilka ka dhacay Magaalada Baydhabo, iyagoo tilmaamay inay dileen Saraal lagu magacaabi jiray Aadan Booroow kana tirsanaa Ciidanka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegay in ragii falka fuliyay ay horey usii qaateen qori AK47 ah oo uu watay sarkaalka xiligii la dilayay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Koonfur Galbeed oo ay  uga hadlayaan dilkaas.