Muqdisho-Ayaamaha-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaasi oo Jugtiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa Goobta  waxaa ay aheyd mid mashquul badan,waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu yaalla goob Bakin ah oo ka mid ah hotelka,waxaana sidoo kale Goobta ka agdhow Bar-koontorool oo ciidamada Dowladda ay ku baaraan Gaadiidka aada dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho.

Goobta qarax waxaa uu ku dhow yahay Koontaroolka laga ilaaliyo Garoonka Aadan Cadde,iyadoona amniga halkaas siweyn loo sugo,waxaana goobta ku yaalla hotelo ay degan yihiin dad badan.

Waxaa sidoo kale halka uu qaraxa ka dhacay ku yaalla kaalin shidaan oo la sheegay in uu soo gaaray burbur xoogan,waxaana dadka ku dhaawacmay qaraxaasi goobta ka qaaday gawaarida gurmadka deg dega, iyaga oo geeyay Isbitaalada kala duwan ee Magaalada Muqdisho li loogu daweeyo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halkaas,isla markaana waxaa ay ay xireen Aaga uu qaraxa ka dhacay,waxaana hakad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Weli lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.