Muqdisho-(Ayaamaha)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo ka dhacay Meel ku dhow Xarunta Hay’adda dembi-baarista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.

Inta laxaqiijiyay 2 qof oo uu kujiro Masuulka Gaariga watay oo ayaa ku dhaawacmay.

Ninka gaariga qaraxa loogu xiray ayaa lagu magacaabaa Daahir Tabliiq oo ah wasiir katirsan Dowladda Galmudug ,horana usoo noqday Gudoomiyaha degmada Deyniile,iyadoona lasheegayo in uu sidoo kale ahaa, Sarkaal katirsan Ciidamada CID-da.