Muqdisho-Ayaamaha-Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax nooca gawaarida lagu dhejiyo ah oo ka dhacay degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan meel u dhow kaalin shidaal oo ku taalla inta u dhaxeysa dekadda Muqdisho iyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Gaariga qarxay ayaa waxaa watay Generaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaliyeed oo la sheegay in dhaawac uu soo gaaray.

Jeneral Maxamed Cabdulle Dhoore ayaa booliska u qaabilsanaa xiriirka arrimaha dibedda iyo booliska caalamiga ah ee Interpol.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidanka goobtaasi ka qaadeen dhaawaca sargaalka iyo askari la sheegay in isna ilaalo u ahaa sargaalka dhaawacmay.

Booliiska ayaa sidoo kale wada baaritaano ku aadan qaraxan goordhaw haleelay gaariga sargaalka booliiska, mana jiro wali wax war ah booliiska kasoo saareen qaraxan goordhaw dhacay.