Muqdisho-(Ayaamaha)- Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaana uu ka dhacay wadada Maka-almukarama oo ah waddo halboowla ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore Maqaayad laga cunteeyo oo  kuyaala agagaarka Hotelka Wehliye oo lagu magacaabo Baar Filsan waxaa sidoo kale goobtaasi kuyaalay maqaayado kale iyo xarumo ganacsi.

Qaraxa ayaa gaystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana lasoo sheegayaa kudhowaad 10 qof oo dhimasho ah iyo dhaawac intaas ka badan, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega oo goobtaasi ka qaadaya dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxaasi.

Bur-bur xooggan ayaa soo gaaray dhismayaasha maqaayadaha la weeraray,dhinaca kalana waxaa weli socda gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas,hay’adaha amniguna waxa war ah kama soosaarin.