Muqdisho-Ayaamaha-Koox hubeysan ayaa goordhow waxa ay magaaladda muqdisho ku dileen  Sarkaal Ka tirsanaa Nabadd Sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah dhalinyaro bastooladdo ku hubeysnaa ayaa qeybaha sare ee jirka ka toogtay wiil dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa Maqaayadda ku taala Xaafadaas.

Sargaalkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Dhaayow  Cusmaan Aadan ayaa la sheegay in uu ahaa Taliyihii Nabadd Sugidda Degmadda Qoryoole ee Gobolka Shabeelaha hoose,wuxuuna horey uga tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamiga.

Falkaan Toogashadda ahaa ayaa ka dhacay Xaafadda Taleex Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ragii dilka fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

ilaa iyo hada majirto cid sheegatay dalkaan hase ahaatee Al-shabaab ayaa looga bartay dilka noocaan ah.