Muqdisho-Ayaamaha-Kooxo hubeysan ayaa xalay gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dhalanyarada ku nool magaalada muqdisho.

Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Busteejida kaaraan,isla markaana waxaa geystay kooxo hubeysnaa Bastoolado,kuwasi oo Wiilka dhowr xabadood uga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa,xili uu ku sugnaa halkaasi.

Qof Goobjooge ahaa xiligaas ayaa waxaa ay sheegeen in marxuunka uu war yar  kahor ay kala tegeen,kadiba uu maqlay rasaas xoogan,isagoona soo baxay  oo tegay halka laga maqlay rasaasta,kadiba uu arkay Wiilkii dhalinyarada ahaa ee daqiiqado kahor isla joogeen oo Meyd ah.

Allaha u naxariistee Marxuunka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed oo ku magac dheeree CJ,kaasi oo si weyn looga yaqaanay gudaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,kana mid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed kuwooda aad u firfircoonaa sida dad Ehel la ah ay xaqiijiyeen.

Kooxihii ka dambeeyay dilkii ayaa goobta ay si deg deg ah ugu baxsaday luuq yar oo xiligaas goobta ka agdhawaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Kaaraan ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay,isla makaana waxaa halkaasi ay ka qaadeen Meydka Murxuumka,sidoo kalena sida caadada u aheyd sameeyay baaritaano kala duwan,hayeeshee kuma guuleysan inay soo qabtaan ragii fuliyay falkaas.

Tal iyo markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ka dhacay dilal qorsheysan,kuwaasi oo geysteen kooxo hubeysnaa Bastoolado,iyadoona qaarkood ay Mus’uuliyadooda sheegteen Al-shabaab.