Muqdisho-Ayaamaha-Laba wiil oo dhalinyaro ahaa ayaa waxaa xalay lagu dilay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, ka dib markii bastoolado ku hubeysan ay ku dhex weerareen xaruntooda ganacsi.

Labada wiil oo aad looga garanaayay xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa waxay ku lahaayeen Studio muuqaalada lagu duubo, sida ay dadka deegaanka inoo sheegeen.

Labada dhalinyaradda ayaa lagu kala Magacaabi jiray Ismaaciil iyo Maxamed, waxaana la sheegay in ay halkaasi ku lahaayeen Studio iyo Footo Sawiradda lagu galo.

Rag bastoolado ku hubeysnaa oo heybtooda dib laga ogaaday inay Shabaab yihiin ayaa dhalinyaradaasi ku dhex toogatay Istuudiyaha.

Ururka Al Shabaab ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegtay masuuliyadda dilka labadaasi wiil, iyagoo sababta ay u dileena ku sheegay inay la shaqaynayeen Sirdoonka Dowladda Federaalka Somaliya.