Muqdisho-Ayaamaha-War dheeri ah ayaa kasoo baxaya madaafiic dhaliyey khasaare nafeed oo maanta lagu weeraray xarunta Xalane ee Muqdisho ay ka degan yihiin ururada iyo hay’adaha shisheeye.

Ku dhawaad 5 Hoobiye ayaa kusoo dhacay goobo kala duwan oo ka mid ah xarunta Xalane sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka aan ka helnay ilo-wareedyo amni oo ku sugan gudaha xarunta Xalane, ayaa sheegaya in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen isbitalka ciidamada Amisom ee ku yaalla gudaha xarunta Xalane.

Inta la xaqiijiyay Todobo Qof oo Sadex kamid ah ay yihiin Askarta Ciidamada Amisom Laba kalana ay ahaayeen Shaqaale ka shaqeynayay Dhismaha iyo Hal Qof oo kamid ah Shaqalaha Beesha Caalamka ayaa ku dhaawacmay Hoobiyeyaasha.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shaqaalaha ka shaqeeya xerada Xalane lagu amray inay galaan goobaha gabbaadka ah, si ay uga bad-baadaan madaafiicdan.

Xarunta Xalane ayaa ah goob ay degan yihiin xubnaha beesha Caalamka, waxaana sidaan oo kale dhowr jeer lagu qaaday weeraro Khasaare geystay.