MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay arrimaha Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay dalka iyo xaalada isbitaalka Martiino oo dad badan ay Cudurka ugu geeryoodeen.

Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in Cudurka COVID-19 uu yahay mid halis ah,hayeeshee dadka aysan aheyn kuwo ka feejigan,sidoo kalena dalka uusan laheyn isbitaalo si wanaagsan ugu Shaqeeya Bulshada.

Waxaa uu soo hadal qaaday Qalabka lagula tacaalo Cudurka oo dowladda Soomaaliya ay dowlado kala duwan ugu deeqeen,waxaana uu sheegay in sidii loogu talo galay aan loo isticmaalin,isla markaana qaarkood Suuqa lagu kala iibsaday.

“Waxaan la soconaa qalab farabadan ay dowlado kala duwan keeneen,waxana muuqata in sidii loogu talo galay loo isticmaalin oo qaarkood naloo sheegay in suuqa lagu arkay,arrimahaasi ma fiicna amaanada sidii loo keenay in loo guta ayaa la rabaa ayuu yiri”Sheekh Shariif.

Waxaa uu ugu dambeyn ku baaqay Sheekh Shariif in isbitaalo gaar ah loo sameeyo la tacaalida Cudurka COVID-19,waxaana sidoo kale uu Dhaqaatiirta Soomaaliyeed  ka codsaday in aysan ka fikirin Dhaqaalo balse ay dadkooda badbaadiyaan.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo aadaya xilli Isbitaalka Martiini oo lagula tacaalo dadka uu soo rito Cudurka ay dad badan ugu dhinteen Daryeel la’aan.