Muqdisho-Ayaamaha-La taliyihii hore ee Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Xuseen Macalin Maxamuud Sheekh Cali (Damuumaaye) ayaa sheegay in Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay ku ceeboobday warkii ay ka soo saartay qaraxii maalintii Sabtida ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Hay’adda NISA ayaa Isniintii qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dal shisheeye uu ka masuul ahaa qaraxaasi, oo ay ku dhinteen 87 qof, halka 148 kalena ay ku dhaawacantay.

Agaasimaha Xarunta Machadka Hiraal oo ka faallooda amniga iyo argagixisada ayaa sheegay in Hay’adda NISA ay weji gabax kala kulantay warkaasi.

“NISA meeshaas way ku ceeboobday, ma garanayo cidda waxaas kula talisay iyo maskaxda ka dambeen karta, in arrin qoyan oo dhiigoodii weli aan la dhaqinba in ay la booddo oo meelo kale ay la aaddo, waa ceeb qaran.” Ayuu yiri Xuseen Macalin Maxamuud.

 “Arrintaas waxaan u maleynaya sumad ku ooli doonto ebid inay ahaan doonto, xitaa ceebtaas waxaa la qaybsanaya qaran ahaan Somaliya.”

Waxaa uu intaa ku daray “Haddii ay jirto xitaa arrintaas, dowladuhu qaabab kale oo waxaas u isticmaalaan ayaa jira, hay’adahooda dastuuriga ah dhiiqooyinka ma dhex geliyaan.”