MUQDISHO-AYAAMAHA-Alle ha u Naxariistee fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame ayaa Xalay Saqdii dhexe waxaa uu ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Cabdi Tahliil Warsame ayaa muddo sanado badan ah  ku xanuunsanaa Magaalada Muqdisho,iyada oo dhowr sano ka hor mar dalka dibadiisa loo qaaday,hayeeshee ugu dambeyn Xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Muqdisho.

Geeridda Fanaanka ayaa waxaa ka tacsiyeey wasiirka warfaaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye isagoo Tacsi u diray dhamman qoyska,Qaraabadda iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu ahaa fanaan Soomaaliyeed oo aad looga yaqaanno gayiga Soomaalida, kuna caan baxay magaca( Cod Wanaagsane) sababta oo ah wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu codka wanaagsan  fanaaniinta ku heesa Af-soomaaliga.

Tahliil heesihiisa aad ayaa loo jecelyahay waana mid ka mid ah fannaaniinta qiimaha ay aadka u jeceshahay umadda Soomaaliyeed.

Alle ha u Naxariistee fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa uu ifka kaga tegay Carruur farabadan oo qaarkood ay yihiin fanaaniin.

Heesaha ugu caansan ee fananka qaaday waxaa ka mid ah:

Heesta onkod

Heesta Hoowlahaadii

Heesta Waayaha

Heesta Gobanimodoon: waxay si talantaali ah u wada qaadaan fanaanada Hibo Nuura

Heesta Casar

Heesta Sida Faras Bulaalo

Heesta Jacayl Aayatiin Leh.

Fanaankani wuxuu heeso badan la qaaday hobolo dumar oo badan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin fanaanada Xaliimo Khaliif Magool, Hibo Maxamed Codoon (Hibo Nuura), Maandeeq, Saynab Cige iyo kuwo kale oo badan. Si kastaba ha ahaatee, heesaha Cabdi Tahliil aad ayay u badan yihiin