Addis ababa-(Ayaamaha)-Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay in ay Dowladda Ethiopia ka caawinaysa dhismaha ciidamada Badda, markii Magaalada Addis ababa ku wada hadleen dhowaan Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Labada Dowladood ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay yeeshaan ganacsi iyo xiriir wanaagsan, waxanay Dowlada Faransiiska ugu deeqday Ethiopia Boqol Milyan oo Euro.

Ciidamada Badda ee Dalka Ethiopia ayaa burburay Sanadkii 1991-kii, markii ay ka go’day Eritrea wadanka Ethiopia.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Cali, ayaa sheegay dhowaan inuu dhisi doono ciidamada Badda Ethipia, markii uu heshiis Saddex Geesood ah la galay Soomaaliya iyo Eretrea si uu u isticmaalo Badaha Waddamadaas.

Madaxweynaha Dalka Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa booqasho afar maalmood ah ku jooga wadamo ku yaal Geeska Afrika.

Booqashada Madaxweyne Macron uu ku joogo Qaaradda Afrika ayaa waxa uu lugtii ugu horeysay ku tegey Dalka Jabuuti ,waxaana lagu wadaa in uu booqdo Dalka Kenya dhowaan.