MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, labada dal waxa ay adkeeyeen mowqifkooda mideysan ee ku aaddan ixtiraamka qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjire Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka Shiinaha wuuna ka xun yahay tilaabada Somaliland ay Twain xiriirka u la sameysay.

Dhankooda, Dowladda Shiinaha ayaa Madaxweynaha la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Taiwan ee ay kula kacday Qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, maadaama ay xiriir la yeelatay Somaliland.