Farmaajo oo aqbalay xilka qaadistii Fahad Yaasiin balse hal sharuud oo adag soo bandhigay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha muddo xileedkiisa idlaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu aqbalay xilka qaadistii Ra’iisul wasaare Rooble uu ku sameeyey agaasimihii hore ee Hay’adda nabad sugida Fahad Yaasiin.

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad C/weli Muudey iyo xubno kale ayaa la sheegay nay waan waan ka dhex bilaabeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, si loo xaliyo xiisada ka dhex aloosantay ee ka dhalatay shaqo ka joojinta Agaasimihii NISA.

Wararku waxaa ay sheegayaan dabacsanaan laga dareemayo Madaxweyne Farmaajo waxaana lagu soo waramayaa inuu aqbalay arrinta xil ka qaadista Fahad Yaasiin laakiin uu shardi uga dhigayo in la baabi’iyo kiiska maxkamadda.

Lama oga in Ra’iisul wasaare Rooble uu aqbalayo in la baabi’iyo kiiska Maxkada ee loo haysto agaasimaha Hay’adda, taas bedelkeedana uu isna ogolaada ama soo dhaweeyo agaasimaha cusub ee Bashiir Goobe.

Waxaaa sidoo kale aan la ogeyn jawaabta lagala kulmikaro qoyska Ikraan Tahliil oo aad u caraysan lagana yaabo inay diidaan inay qaataa diyo.