Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ku guuldareystay Qorshe uu doonayey inuu la heshiiyo siyaasiyiinta ka afkaartooda kaladuwantahay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaay ku rajo weyneed inay la hadasho qolyaha Mucaaradsan Dawlada Dhexe si bey yiraahdeen meesha looga saaro mad madowga Siyaasadeed.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheeagay in Shariif Sheekh Axmed uu yahay Qunyar Socod aan siyaasadiisa Mucaaradeed aan soo bandhigin,marka loo eego C/raxmaan C/shakuur iyo Quurteysanayaasha Mucaaradka Dawlada dhexe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in C/raxmaan C/shakuur uu diiday Dalab Villa Soomaaliya kaga yimid oo ahaa in Dawlada ay la fadhiistaan oo ay mad madowga jira loo xaliyo .

Farmaajo ayaa labo sano Shalay ay ubuuxsan tahay Xilli Xafiiseedkiisa Shaqada Dalka lawareegay iyadoo Dhaliilo badan loo jeediyey 24 Bil Ee Dalka uu xukunkiisa heystay,qaar lagu amaanay waxqabadkiisana waa ay jireen lkn dadka dhaliilo ayaa aad ubadnaa sida ay sheegeen dad aan waraysanay.

Kulankii ka dhacay Bishii hore Magaalada Garowe Ee Munaasabada Caleemo saarka Siciid Cabdullaahi Dani ayaa lasoo sheegayaa in jawiga uu ka dhigan mid sidii hore la iskaga soo dhawaaday balse macada heshiis muuqda oo lagaaray.