Maxamed Cabdullahi Farmaajo madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa kulan  ku yeeshay Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya

Kulanka dhexmaray labada Hoggaamiye ayaa waxay kaga wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, amaanka, wada shaqeynta iyo xoojinta is dhexgalka iyo dhaqaalaha.

Qoraal  lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Xaiska Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in qodobada ay ka wada hadleen labada masuul ay ka mid tahay sidii loo fulin lahaa heshiisyadii ay ku galeen labada hoggaamiye Muqdisho iyo Baxardaar.

labada Hoggaamiye ayaa Sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinaca nabadda ee Gobolka Geeska Afrika.

Waxaa qoraalka lagu lagu xusay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Ra’isal wasaaraha Itoobiya uga mahad celiyay taageerada dhinaca amaanka ah ee dowladda Itoobiya ay siiso Soomaaliya.