Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guiteres.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, waxaa sidoo kale kulanka laysla soo hadal qaaday sidii looga gudbi lahaa is fahmi waagii ka dhashay Ceyrintii dhowan dowlada soomaaliya ay ceerisay Heysom.

Antonio Guiteres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in uu soo magacaabayo Ergay cusub oo Soomaaliya wakiil uga noqonaya si howsha iyo taageerada Qaramada Midoobay loo sii dar dar galiyo taasi oo dhowaanaha hakad kujirtay .

Xiriirka labada dhinac, Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa mad madoow soo galay kadib markii dowlada federaalka Soomaaliya soo saartay qoraal ay dalka uga ceyrsisay Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr Nicholas Haysom.