Doxa-(Ayaamaha)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku sugan Magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa Maanta lagu wadaa inuu Kulan gaar ah la yeesho Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar , Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani , ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.

Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac.