MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha soomaaliya Maxamed cabdullahi Farmaajo ayaa lagu cadaadinayaa inuu cadeeyo aragtidiisa ky saabsan doorashada dalka kadib hadalka ra’iisul wasaare Khayre ee ku aadan doorashooyinka si meesha uga baxo tuhunka isaga laga qabo, sidda uu sheegay siyaasiin.

Hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in madaxweynaha uu cadeeyo mowqifkiisa doorashada dalka.

Dhanka kale wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyada ay leedahay in madaxweynuhu la hadlo dadweynaha isla markaana uu damaanad-qaado in doorashadda waqtigeeda ku dhaceyso.

Hadalka wasiirkii hore ee Qorsheynta

“Hadda kahor gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ka hadlay idaacadaha wareysi bixiyey oo sheegay ‘hal maalin oo ku darsasho ah aanu ogoleyn doorashadana xiligeeda ku dhaceyso’ annaga waan soo dhaweynay, ra’iisul wasaarahaa sheegay doorashadeeda in xiligeeda la qabanayo waan soo dhaweynay.

Madaxweynaha isagaa dalka hogaamiyihiisa ah, qofka la doorteyna isagaa ah hadduu Umadda soo hor istaago oo afarta qodob ee ra’iisul wasaaruhu sheegay ogolaado oo ah;

Kow doorashada in xiligeeda ku dhacdo, laba oo ah in saamileyda siyaasadda doorashada ka heshiiyaan saddex doorashada mid xasiloon oo nabdoon ay noqoto afar in xukuumadiisa ay mudnaanta koowaad siiso doorashadda sidda ra’iisul wasaaruhu sheegay annaga waan soo dhaweynaynaa;

annaga kalama jeclin dadka laanta fulinta madaxdeeda ah laakiin annaga waxaan ku xukumeyno waa qowlkeeda; way fiicnaan lahayd cidda hadalkaas jeedineysa oo dadka dejineysa oo damaanad-qaadkaas bixineysa in isaga [madaxweyaha] ahaado, laakiin tuhumad ayay sii xoojineysaa in madaxweynuhu arrimahaas diyaar u ahayn,” ayuu u sheegay Telefishinka maxaliga ah ee Universal.