Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw loogu soo dhaweeyay magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdiga la socday ayaa garoonka Diyaaradaha magaalada Adis Ababa waxaa kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Dalkaas.

Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan kulan gaar ah la qaato Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, waxa ayna labada dhinac kawada hadli doonaan arimo xasaasi ah.

Labada masuul ayaa yeelanaya Kulan diirada lagu saari doono xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo nabadgalyada gobolka geeska Afrika, waxaa sidoo kale la filayaa in Abiy kala hadlo Farmaajo xiisada Kenya iyo Soomaaliya.