Farmaajo oo Shaqa joojin ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Badda

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Sarereya Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir
Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Sarereya Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ee uu muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha wuxuu soo saaray amar uu shaqada uga joojinayo Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Sarereya Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, amarna uu ku siinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeya Guuto Odawaa Yuusuf Raage inuu taliyahaasi shaqada uu ku joojiyo.

Wuxuuna madaxweynaha shaqo joojinta Sarreeya Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir uu sababeeyey iney muhiim tahay in tallaabbadaasi la qaado inta laga dhammeystirayo Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Madaxweynaha ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl gudashadooda.

Taliyaha Ciidanka Badda Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa dhawaan kasoo muuqday Warbaahinta, isaga oo Ra’iisul Wasaare Roible ku eedeynaya in uu boobayo dhul ay leeyihiin Ciidanka Badda, balse shalay Wasiirka Amniga ayaa amray in Sareeyo Guuto Cabdixamiid uusan dalka ka bixi karin.