Muqdisho-Ayaamaha-Bambo ayaa ku qaraxday albaabka hore ee goob ay ka dhacaysay xaflad aroos oo ku taalla magaalada Kabul ee magaalo madaxda Afghanistan, kaas oo galaaftay nolosha 63 qof halka dhanka kalana uu dhaawac soo gaaray in ka badan 180 qof.

Goob joogeyaal ayaa sheegay in qof isasoo miidaamiyay uu isku qarxiyay qeybta soo dhaweynta ee hoolka ay xafladda arooska ka dheceysay.

Qaraxa ayaa ka dhacay galbeedka magaalada, halkaas oo ay u badan yihiin Shiyacada Muslimiinta ah.

Taliban ayaa iska fogeeysay in ay ka dambeeyeen qaraxaasi, mana jirto koox kale oo sheegatay mas’uuliyadda weerakaasi ismiidaaminta ah.

Waxaa la sheegay in Muslimiinta Sunniga ah ay bartilmaameedsadaan Shicada ku nool Afghanistan iyo Pakistan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Afghanistan ayaa xaqiijiyay tirada rasmiga ah ee dhimashada laba saacadood ka dib markii uu qaraxa dhacay.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay meeydad daadsan gudaha hoolka ay xafladda ka dhacaysay.

Mid ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay xafladda oo lagu magacaabo Mohammad Farhag kuna sugnaa qeybta dumarka markii uu qaraxa ka dhacayayqeybta ragga ayaa yiri:

“Qofkasta waxa uu u cararay bannaanka isagoo qeylinaya”, ayuu wakaaladda waraka ee AFP u sheegay.

Caruuska oo magaciisa ku sheegay Mirwais ayaa Telefihin maxalli ah u sheegay: xaaskayga way naxsantahay ilaa hadda, xitaa ma hadli karto, oo weli way suuxsantahay.

”Waxaan qaraxa ku waayay walaalkay, waxaan sidoo kale waayay saaxibaday iyo qaraabadayda. Ma u malaynayo in aan mardambe farxad dib u helayo”.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa weerarka ku cambaareeyay qoraal uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka

Dhanka kale afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa weerarka cambaareeyay.

Qaraxaan ayaa ku soo beegmaya 10 maalmood ka dib markii uu qarax weyn ka dhacay xarun boolis halkaas oo ay ku dhinteen 14 qof halka 150 kalana uu dhaawac ka soo gaaray, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Taalibaan.

Dhaawac ayaa waxaa lageeyay isbitaalka

In ka badan 180 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa

.