Jowhar-Ayaamaha-Maanta oo Isniin ah Magaalada Jowhar waxaa kulan Deg-deg ah ku yeeshay Guddiga Joogtada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Kulankan ayaa intii uu socday ayaa waxaa lagu Go’aamiyay in dib loo dhigo furitaanka kal-fadhiga 7-aad Baarlamaanka Hirshabeelle oo Maanta lagu waday inuu furmo, maadaama uu socdo gurmadka fatahaada Webiga Shabeelle.

Guddiga Joogtada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Go’aan ku gaaray in dib loo dhigo furitaanka Baarlamanka muddo 10-maalmood ah, wuxuuna furmi doonaa 7-da Bisha soo socota ee November ee sanadkan.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa uu isla gartay in Xildhibaanada ay ka wada qeyb qaatan  gurmadka loo sameeynayo dadka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne ee uu saameeyay  Fatahaada Webiga Shabeelle.